Baarlamaanka oo Codka Kalsooni ah ku ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw codka kalsoonida waxa ay u qaadeen Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta uu Baarlamaanka horgeeyay Ra’izul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali.

Kulanka Baarlamaanka waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 213 xildhibaan, waxaana Codka loo qaadayay qaab gacan taag oo saf saf ah, waxaana inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ay u muuqdeen kuwa la dhacsanaa Xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka hadlay natiijada cod bixinta ayaa sheegay in 213 xildhibaan ay maanta kulan goob jog ahaayeen, waxa uuna sheegay in 191-Xildhibaan ay codka kalsoonida siiyeen Xukuumada cusub halka ay diideen 22 xildhibaan.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirshaiid Cali ayaa uga mahad celiyay Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida ay maanta siiyeen, waxa uuna balan qaaday in Xukuumadiisa sida ugu dhaq siyaha badan wax badan u qaban doonto.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa dhaariyay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ee maanta helay codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook