Baladweyne Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Ridday

Maxkamadda ciidanka qalabka Sida ee gobolka  Hiiraan ayaa maanta xukunno ku riday afar qof oo lagu eedeeyay dambiyo isugu jira dil iyo ka tirsanaanshaha kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida ee gobolka Hiiraan Cabdicasiis Xasan ayaa Bar-kulan u sheegay in Hiloowle Cumar Cabdi oo 19 jir ah ay maxamadda ku xukuntay saddex sano oo xabsi ciidan ah, halka Yuusuf Caraale Maxamuud oo 22 jir ah lagu xukumay laba sano oo xabsi ciidan ah,  kadib markii lagu helay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Salad Xuseen Xasan oo 24 jir ah ay lagu xukumay 6 bil oo xabsi ciidan ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maxkamadda ay Cabdi Axmed Cumar oo 36 jir ah ku xukuntay inuu bixiyo boqol halaad oo diyo ah kadib markii uu si kama ah u dilay qof rayid ah.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in maxkamadda ay xabsiga ka sii daysay Axmed Maxamed Axmed, kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook