Beelaha Murusade Iyo Waceysleh Oo Heshiis Ku Kala Saxiixday Degmada Dhuusa Mareeb Ee Gobalka Gal-gaduud+Cod

Degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobalka Gal-gaduud waxaa maalmahaan dambe ka soconayay shirka dib u heshiisiinta ee beelaha wada degan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Markii ugu horeysay waxaa heshiis kala saxiixday Laba Beel oo ka mid ah beelihii ku shirsanaa degmadaasi, iyadoo munaasabad heshiiskaan lagu kala saxiixayay maanta lagu qabtay degmada Dhuusa Mareeb.

Waxaa munaasabadaan maanta ka qeyb galay maamulka degmada Dhuusa mareeb, kan gobalka Gal-gaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Macalin Cabiraxmaan Cali Geeda-qorow oo ah gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku sheegay in ka maamul ahaan ay aad usoo dhaweynayaan hesiiskaan la gaaray, islamarkaana uu muujinayo in shirka natiijooyinkii ugu horeeyay ay kasoo baxayaan.

Beelaha Heshiiyay ayaa kala ah Murusade iyo Wacaysle waxaana sidoo kale la filayaa in heshiishyo kale ay kala gaaraan beelaha ku shirsan gobalkaasi.

Shirka degmada Dhuusa Mareeb waxaa ka qeyb galaya Odayaal dhaqameed kasoo jeeda beelo badan oo wada degan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, waxaana shirkaan uljeedkiisa uu yahay mid la doonayo in la’isku cafiyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook