Branislav Ivanovic Oo aan farxin isaga oo dhaliyey Goolkii guusha+Sawiro

Xidiga daafaca uga dheela Naadiga Chelsea ee lagu magacaabo Branislav Ivanovic oo shalay Goolkii guusha u dhaliyey Kooxdiisa Chelsea ayaa laga qaaday Sawir isaga oo murugo kamuuqato isla markaana ay aad u faraxsanyihiin Saaxiibadii ay u wada dheelaan Kooxda Chelsea.

Wargeysyada kasoo baxa dalka England ayaa maanta Bogagooda hore kusoo daabacay Su aal aan weli laga jawaabin taas oo ah Waa maxay sababta uu u murugoonayo Xidiga Goolka guusha shalay u dhaliyey Kooxdiisa Chelsea ee Branislav Ivanovic.

Naadiga Chelsea ayaa Shalay sidirqi ah waxa ay uga badiyeen Kooxda Aston Villa oo sidoo kale Gool kadhalisay 11 Saacadood kadib oo aysan wax Gool ah dhalin Horyaalka dalka England waana Goolkoodii 12 ee Xili Cayaareedkaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook