opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cabdiweli Gaas Oo Ku Fadeexoobay Qorshe Uu Doonayay Inuu Kudhexfushado Shirki Muqdisho

Share

Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku fadeexoobay magaalada Muqdisho ka dib markii uu isku dayay in uu dhinac marsado heshiis lala galayay maamul gobaleedyada.

Markii la qoraayay heshiiska ay wada garayeen maamulada iyo dowladda Federaalka ayuu damcay in magaca mamulkiisa oo kaliya meesha lagu xuso isaga oo doonaya in Puntland ay u muuqato in DF heshiis la gashay.

Taasi waxa ay u cuntami weysay DF, gaar ahaan Xasan Sheekh oo sheegay in Seddax maamul ay meesha ku yihiin, sidaa darteed aanay socon doonin sheekada gaarka ah ee uu damacsan yahay.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaday in heshiiska lagu qoro “Dowladaha” taasi oo loo sheegay in dowladda la sida DF aanay ahayn balse dowlad gobaleed ama maamul gobaleed loo qori doono.

Ugu dambeyn markii uu arkay in meel walba laga soo xir xiray waxa uu ku raacay talada DF iyo saaxiibadiisa usoo jeediyeen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook