Cabdiweli Gaas Oo Muqdisho tagay Kana Hadlay Uljeedka Safarkiisa +Sawiro

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ka dib markii uu kasoo amba baxay magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal.

Xildhibaano, siyaasiin iyo xubno kale ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Cabdiweli Gaas, waxaana uu si kooban uga warbixiyay socdaalka uu ku yimid magaalada Muqdisho.

Gaas ayaa sheegay in waxyaabaha uu yimid ay ka mid tahay wada tashi siyaasadeed oo dhanka dowladda ah sidoo kalena casumaad uu ka helay madaxda dowladda.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in Laba Cisho uu joogi doono magaalada Muqdisho islamarkaana kulamo uu la qaadan doono madaxda dowladda Federaalka.

Diyaaradii siday Cabdiweli Gaas waxaa ka horeysay diyaarad kale oo magaalada Kismaayo ka keentay madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdi la socday iyadoo shalay magaalada Muqdisho uu soo gaaray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

gaas1 gaas2 gaas3

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook