Chelsea oo kudhawaaqday Heshiis in ay lagaari doonto Wesley Sneijder

Sida lagu helayo warar kasoo baxay kooxda Kubada Cagta Chelsea isla markaana ay sii raacayaan kuwo iyaguna laga soo xigtay Kooxda dalka Turkiga ah ee Galatasaray ayaa sheegay in uu dhamaad kudhawyahay heshiis labada Kooxood dhexmari doona kaas oo kusaabsan xidiga dalka Holland ee Wesley Sneijder.

Wesley Sneijder oo bartilmaameed u ahaa kooxda Manchster United ayaad moodaa in uu markaan u weecan doono dhanka Macalinkiisii Hore ee Jose Mourinho kaas oo siwanaagsan ugaranaya wax qabadka xidigaan 30 Jirka ah oo lahubo sida lasheegayo inuu kadhaqaaqi doono Turkiga marka uu dhamaado xiligaan,.

Madaweynaha Kooxda Galatasaray Duygun Yarsuvat, ayaa cadeeyey in Xidigiisa Wesley Sneijder, uu aadi doono Horyaalka Premier League waxaanan umalaynayaa ayuu yiri in uu lamidoobi doono Macalinkiisii hore ee Jose Mourinho oo laftiisa laga soo xigtay in Cayaaryahakaas uu lasoo wareegi doono dhawaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook