opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cristiano Ronaldo ayaa Xalay isku darsaday faraxad iyo murugo+ Video+ Sawiro

Share

Xidiga kooxda kubada cagta Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa Xalay isku darsaday faraxad iyo murugo kadib markii kooxdiisa isaga oo dheelaya lagu garaacay 4-0 isaga oo sidoo kale u dabaal degay dhalashadisii 30 aad weliba si farxadi kudheehantahay ayuu xaflada heersare ah u samaystey.

Cayaaryahanka ayaa ku casuumay inta badan Saaxiibadii xafladiisa dhalsho ee 30 aad oo kadhacday Hotel qaali ah oo kuyaala Magaalada madax Spain ee Madrid iyadoo la arkayey Toortayaal aad u waaweyn oo lacag aad u farabadan ku fadhiya hadal gaaban oo uu jeediyey ayuu ku sheegay inuu aad u faraxsanyahay isla markaana uu xasuusanyahay in 5 Sano kadib aysan kasoo qayb gelin Xafaladiisa dhalsho gabadhii ay Saaxiibka ahaayeen ee u dhalatay dalka Ruushka.

Xafleda dhalashada Ronaldo ayaa lagu casuumay heesaaga caanka ah ee u dhashay dalka Colombia ee lagu magacaabo Kevin Roldan oo halkaa qaaday heeso aan caadi ahayn sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Xidigaha ay isku kooxda yihiin sida James Rodriguez, Marcelo iyo Luka Modric iyaga oo ugu hambalyeeyey dhalshadiisa 30 aad.

kir1 kir2

kir3 kir4 kir5 kir6 kir7

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook