Daacish oo Liibiya ku Gowracday 21-ruux oo Masaari ah+Sawiro+ Video

Madaxwaynaha Masar Cabdalfataax el Sisi ayaa sheegay in wadankiisu uu xaq u leeyahay in uu ka aarguto wakhtiga iyo goobta uu doorto, arrintaasina waxa ay dabo socotaa kaddib markii malayshiyo katirsan Daacish ay ku dishay wadanka Liibiya koox Qibdhiyiin, Kiristaan oo Masaari ah.

Muuqaal ay soo saareen ayaa muujinaya iyaga oo si wadar ah madaxa uga jaraya kow iyo labaatan qof, kuwaas oo dhowaan laga afduubtay magaalada xeebta ku taala ee Sirta.

Madaxwaynaha Masar waxa uu khudbad u jeediyay qarankiisa, kadib markii uu ku dhawaaqay todobo maalmood oo baroordiiq ah.

Cabdalfatax Al-Sisi waxa uu sheegay in Masar iyo caalamkuba dagaal khadhaahdh kula jiraan argagixisada. Balse ma uusan sheegin sida uu wadankiisu uga jawaabi doono dil wadareedkaasi argagaxa ahaa.

Balse waxa uu sheegay in ay go’aansan doonaan wakhtiga iyo goobta ay uga aargutaan Daacish.
Dilkaasi waxaa laga duubay kaameero. Muuqaalkaas oo shan daqiiqo ahaana niman xoogaa ah oo dhar isu eg qaba ayaa soo saftay xeebta hareerteeda waxaana qofkaste la socday nin kamid ah malayshiyada oo wajiga soo dabooshay.
Ehellada dadkan ayaa horey u dalbaday badbaainta caruurtooda

Waxa ay ku amreen in ay jilbo dhulka dhigtaan inta aysan madaxa kawada jarin.

Inta badan kow iyo labaatanka Qibdhiyiinta ah waxa laga afduubtay Liibiya oo ay ka shaqaysanayeen.
Qoraal ku dul qornaa muuqaalka ayaa cadeeyay sababta loo dilay waxaana lagu sheegay in loo bartilmaameedsaday diintooda.

Madaxwayne Al-Sisi waxa uu horay u sheegay in malayshiyaadka Liibiya aysan halis ku ahayn Masar oo kali ah balse ay sidoo kale halis ku tahay bariga dhexe oo dhan.

Masar waxa ay taakulo u fidisay dadkii ka baxsaday Liibiya ee dowladda ka mid ahaan jiray iyo ciidammadaba.

Dhammaan Qibdhiyiintan waxay ahaayeen shaqadoon

Hogaamiyaha Masar hadda waxaa saaran culays ah in uu si wayn uga jawaabo arrintaasi.
Waxaa la qiyaasayaa in uu xaga cirka ka duqayn doono xadka dalkaasi.

Intii uusan jabin Mucamar qadaafi, Liibiya waxa ay caan ku ahayd in dadka Masaarida ah ay shaqo u doontaan wadankaasi.

Laakiin tiradu waa ay sii yaraanaysay tan iyo markii uu dalkaasi dhaxlay dagaalada, laakiin kuwo ayaa wali kusii haray Liibiya iyaga oo halista ka doorbiday saboolnimada wadankooda kuhaysta.

isiss6 isiss5 isiss4 isiss3 isiss2isis1 isis3 isis2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook