Daawo Sawirada Qaabkii Ay Udhacday Ansaxinta Xukumada C/Cabdirashiid+Dhaarintooda

Waxaa Maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kulanka ayaana ajendahiisu ahaa horkeenidda golaha wasiirrada Xukuumadda uu soo dhisay R/Wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka maanta oo ahaa ahaa kulankii 36-aad ee dhammaadka Kalfadhiya Shannaad ee Barlamaanka, waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxaana kooramka kulanka uu ku furmay markii hore 220-Xildhibaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu horeyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya madasha fadhiya ku soo dhoweeyey, una ogollaadey in uu Barlamaanka la hadlo, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa mudaneyaasha golaha shacaka ka codsaday in Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda ay ansixiyaan, maadaama dalka uu ku jiro xaalad adag, si arrintaasina looga samatabixiyo dalka uu u baahan yahay Xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa in barnaamijka Xukuumadda u golaha ka hor akhriyo u xushay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga iyo Caalamiga ah, Mudane C/raxmaan Ceynte oo si kooban u guud maray barnaamijka Xukuumadda ay ku howl-gali doonto, isagoo ammaanka iyo tayeenta ciidammada Qaranka, dejinta Siyaasadda Xasiloon, dardargelinta barnaamijka Hiigsiga 2016-ka dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee hiisga muhiimka ah u dalka, amba qaadidda ka howlgalidda dhismaha maxkamadda Destuurigta, dib u eegista Destuurka KMG ah, iyadoo ku soo gabagabeeyey in Barnaamijka uu kooban yahay furitaanka kalfadhiga Lixaad ee Barlamaankana isagoo faah-faahsan la keeni doono.

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood ayaa aragtiyo ka dhiibtay Codka Kalsooni siinta Xukuumadda, inkastoo markii dambe la isku raacay in cod loo qaado Xukuumadda iyo barnaamijeeda, guddoonka Barlamaanka ayaa sheegay in si saf sah ah loo codeynayo,, tirada guud ee Xildhibaannada codeynta ka qeyb-galay ahaa 213, mudane, Mudane Maxamed Sheekh “jawari” ayaana shaaciyey natiijada golaha Barlamaanka, iyadoo 191, mudane ay Xukuumadda ogollaadeen, 22, diiday cid ka aamustayna eysan jirin sidaasna ay asxan ku tahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey dhammaan mudaneyaasha Barlamaanka ee Xukuumadda iyo barnaamijkeeda ansixiyey, isagoo u ballan-qaaday in wadatashiga golaha ay muhiimad gaar ah siin doonto.

Afhayeenka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa kulanka sheegay in uu isu badelay kulan aan caadi aheyn si xubnaha golaha wasiirrada loo dhaariyo, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka, Mudane Ceydiin C/llaahi Ilkaxanaf ayaana xilkooda u dhaariyey golaha wasiirrada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa ugu dambeyn ku wargeliyey in Xildhibaannada Barlamaanka ay ka soo qeyb-galaan aaska Qaran ee loo sameynayo Xildhibaan C/llaahi Qayaad oo Muqdisho lagu dilay maalinta xigtana ay golaha dhameystir doonaan dhammaan Ajendeyaasha ka harsan xiritaanka kalfadhiga Shannaad ee Barlamaanka Soomaaliya.

an1 an2 an3 an4 an5 an6 an7 an8 an9 an99

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook