Dagaal ka dhacay Degmada Buurhakaba +Cod

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay,gaar ahaan Degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dagaalka ayaa ka dhacay Duleedka Degmada Buurhakaba,iyadoona Dagaalka uu yimid ka gadaal markii Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM oo ka tagay Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ku siijeeda Baydhabo ay Al-shabaab Jidka u galeen.

Taliyaha Ciidamada Aaga Deynuunaay ee Dowladda Soomaaliya Xuseen Nuur Ibraahin ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday ay ka dileen Labo kamid ah Dagaalameyaasha u dagaalama.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Deynuunaay ayaa intaa ku daray in Al-shabaab lagu jabiyay Dagaalka,inkastoo Al-shabaab aysan wali ka hadlin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook