opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dagaal saaka mar kale dib uga qarxay Magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan +Cod

Share

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in saaka aroortii Magaaladaasi uu dib uga qarxay dagaal beeleed udhaxeeyo labo beelood oo halkaasi wada daga.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii mid kamid ah labada beelood ay saaka dagaal culus kusoo qaaday beesha kale, xilli difaacyo la isugu jiray xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beladweyne.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo labada dhinac saaka aroortii ay isweydaarsanayeen, taasi oo cabsi lixaad leh ku beertay shacabka xaafada Howlwadaag degan oo shalay dushooda lagu dagaalamay.

Wariyeyaasha Magaalada ku sugan ayaa soo warinaayo in aan la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, maadaama dagaalka weli uu socdo oo dhinacyada dagaalamay xabada ay isku ridayaan.

Dagaalkaan ayaa daba socda dagaal shalay ka dhacay Magaalada Beladweyne oo udhaxeeyay labadaan maleeshiyo beeleed ee saaka mar kale ku dagaalamaya Magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo xalay ka hadlay Raadiyaha Dowladda ee Magaalada Beladweyne, ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku baaqayo in dagaalka la joojiyo, hadii kale ay qaadayaan tallaabo adag oo ay kaga jawaabayaan dagaalkaasi.

Odayaasha Magaalada ayaa wada abaabul ku aadan sidii loo kala dhexgali lahaa beelaha halkaasi ku dagaalamaya si dhiiga daadanaya loo hakiyo.

Gobolka Hiiraan waxaa ku soo noq-noqday dagaal beeleedyada udhaxeeya beelaha walaalaha ah ee Gobolka dega.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook