Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Ahlu Sunna oo hada kasocda Guriceel+Cod

Wararka maanta ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in duleedka magaalada uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu sunna oo weerar ku qaaday magaalada.

Dagaalka ayaa ka bilowday meel ku dhow degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana ciidamada Ahlu sunna la sheegayaa in seddex jiho ay ka weerareen magaalada Guriceel si ay degmada ula wareegaan.

Xaalada magaalada ayaa qasan waxaana wali socota dagaalka, waxaana dadka deegaanka la sheegayaa inay bilaabeen iney ka cararaan degmada maadaama wali dagaalka uusan gaarin degmada Guriceel.

Dagaalka uu biloday waaberigii saaka ayaanan la ogeyn qasaaraha dhabta ah, waxaana ciidamada Ahlu sunna ay isku baheysanayeen muddooyinkii ugu dambeeyay duleedka degmada Guriceel.

Dagaalka ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta la qorsheynayo in madaxweynaha Soomaaliya uu tago magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook