opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday Xasan Sheekh oo maanta laga dhigay Gaalkacyo +Cod

Share

Waxaa Maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Maamulka Galmudug State ka dhacay dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo shir ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dibad baxa ay kasoo qeyb galeen Boqolaal dadweyne iyo masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug State, ayaa ka dhacay Barxada Cabdulaahi Ciise Maxamuud, waxaana dadka kasoo qeyb galay dibad baxa ay wateen halku dhigyo ay kaga soo horjeedeen Dowlada Federaalka.

Banaanbaxan ayaa ahaa mid ay Shacabka Galmudug iyo Madaxdooda uga soo horjeen Shir Muqdisho ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha qaar kamid ah Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Qaar kamid ah Masuuliyiinta Galmudug oo ka hadlay Banaanbaxan ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan Shirka ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Madaxda Dowlada Soomaaliya la qaateen Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka , waxa ayna tilmaameen in shirkaasi aan Galmudug lagu casuumin waxii kasoo baxana aysan quseen iyaga.

Maamulka Galmudug State ayaan lagu casuumin Shir ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi lagu casuumay Madaxweynayaasha Maamulkada Puntiland, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook