Dowlada Urdun oo u aarguday Dilkii Duuliye u dhashay Dalkeeda oo Kooxda Daacish ay Nolosha ku gubeen

Dowladda Urdun waxay sheegtay in ay dhishay laba mitidiin ah oo u xirnaa, saacado kaddib markii la shaaciyey fiidiyow muujinayey duuliye reer urdun oo gacanta ugu jiray kooxda Daacish oo lagu gubayo isagoo nool shabaq ka samaysan bir oo baansiin lagu daayey, kadibna dab la qabad siiyey.

Dowlada Jordan oo horey ugu hanjabtay inay dili doonto xubno kamid ah argagaxisada ku xiran xabsiyadeeda kadib dilkii duuliyahaasi, waxayna warbaahinta dalkaasi maanta oo Arbaca ah shaaciyeen in la dal dalay haweenay u dhalatay dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Sajida Mubarak Atrous al-Rishawi.

Haweenaydan ayaa kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq waxaana lagu xukumay wadanka Jordan sanadkii 2005 kadib markii uu fashilay weerar ismiidaamin ah oo ay dooneysay inay isku qarxiso hotel ku yaal caasimada dalka Jordan ee Amaan.

Maxbuuska labaad ee u dhashay dalka Ciraaq oo ay dowlada Jordan qisaastay, ayaa la sheegay in arrimo argagaxiso horey loogu xukumay, waxaana horey maxkamada ugu xukuntay dil, wallow aan faah faahin dheeraad ah laga bixin macluumaadkiisa.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaala madaxda Urdan waxayna dalbanayeen in loo aaro duuliyaha oo 26 sano jir ahaa.

Duuliyaha oo la oron jiray Mucaath al-Kasasbeh ayaa waxa uu gacanta u galay kooxda daacish dhamaadkii bishii hore ee Disembar kaddib markii diyaaradii dagaalka ee uu waday ay kooxdu soo riday.
Boqorka Urdun King Abdalla ayaa khudbad toos ah oo uu jeediyey isagoo jooga Washington waxa uu duuliyaha ku tilmaamay geesi u dhintay wixii uu aaminsanaa iyo dalkiisa hooyo.

Waxa uu ku tilmaamay kooxda daacish koox aan la mid ahayn dadka kale. Waxa uu si deg deg ah u soo afjaray socdaal uu ku marayey maraykanka, waxa uuna la kulmay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Obama ayaa cambaareeyey falka kooxda, waxa uuna sheegay in tani ay sii xoojin doonto ka go’naanshaha xulufada dagaalka kula jirta kooxdan.

Waraka ayaa tilmaamaya in duuliyaha la dilay bishii tagtay balse haatan un la shaaciyey fiidiyowga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook