FA oo laga yaabo ineey ganaaxaan tababare Louis van Gaal kadib markii…

Tababare Louis van Gaal ayaa mudan doona ganaax kaga yimaada xiriirka FA hadii lagu helo baaritaan lagu sameynayo ereyo uu ka sheegay garsoore Chris Foy dhamaadkii kulankii Manchester United bar-bar dhaca gool la’aanta ay la gashey koxda Cambridge kulankii FA Cup ee dhacay bishii hore. waxaana go’aan laga soo saari doonaa 6pm on maalinta Isniinta ah.

Hadalka lagu heeysto ayaa ah mid u muuqaday sarbeeb garsoorka ku weerarayey inkastoo muujinayey in garoonka Abbey Stadium uusan wanaagsanayn isagoo yiri “Kuma faraxsani sida ay wax u dhacayaan garoonka ma fiicna waxaadna moodaa go’aanada garsoorka inuu naga hor imaanayey markaanu horey u dhaqaaqno’.

Sidoo kale wuxuu yiri: ‘Waanu nimid halkaan, garoonku ma fiicna, waa mid inaga inoo daran, fiiriya difaaca ayuu ku wanaagsan yahay garoonka,marka aad isku deydo inaad weerar sameyso waxaad arkeysaa garsoorka” ereryadaa ayaa ah waxa ugu weyn ee lagu heeysto tababare LVG oo Ciqaab mudan kara lacageed ama in kulamo laga joojiyo inuu maamulo kooxdiisa Man United oo hadda kaalinta sadexaad soo fariisatay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook