Farmaajo 67 Wasiir Ma aqaan Meel usha Har Looga Keenidoono+ Cod

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay Xukuumadda cusub ee Cumar C/rashiid uu soo dhisay 5-tii Bishan, welina sugeysa in la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in tirada Wasiirada Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ay aad u badan yihiin, islamarkaana muhiim ay ahaan laheyd in laga fekero ka hor inta aan la magacaabin dhaqaalaha ku baxaayo Wasiiradaasi tirada badan.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa tilmaamay in tirada Wasiirada Xukuumadda cusub ay dalka ku keenayso caqabad dhaqaale,maadaama Wasiirada ay badan yihiin mushaarna ay doonayaan, xilli uu sheegay in Dowladda Soomaaliya weli aysan bixin mushaarka ciidamada iyo sidoo kale shaqaalaha rayidka ee Dowladda.

“Mushkilada Meesha taalo waxa ay aheyd tirada Wasiirada inta aan la magacaabin in laga fekero ayeey aheyd in loo haayo dhaqaale, inta aan la magacaabin in laga fekero mala ansixin karaa Baarlamaanka ma gudbi karaan, maxaa yeelay intaas 67-daas waxaan hubaa inay ku bixi karto lacag dhan Haaf milyan doolar ah Bishiiba, waa lacag aad iyo aad u fara badan, waxaan ogahay inuusan dalka diyaar u aheyn, waxaan ogahay in ciidamada aysan qaadan mushaarka oo bilo badan ay ku leeyihiin dowladda, shaqaalaha dowladdana waa sidaas”Ayuu yiri Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan dhaqaalo la’aan dalka ka jirta inuusan garan karin, halka dhaqaalo looga keenaayo Wasiirada intaasi la eeg, balse wuxuu sheegay in howshaasi ay u taalo Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa u sheegay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya inay kala doortaan labo midkood oo kala ah Bad-baado qaran iyo Bur-bur qaran, isaga oo kula taliyay Baarlamaanka inaysan qayb ka noqon siyaasadaha cakiran ee dalka ka jiro.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah la horgeeyo Xukuumadda cusub ee dalka si Baarlamaanka codka kalsoonida ah ugu qaadaan Xukuumadda tirada badan ee gaaraysa 67-Wasiir.

HALKAN KADHAGAYSO CODKA FARMAAJO

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook