Gaalkacyo Dowlada Hoose Ee Galmudug Oo Gadiidleyda Codsi usoo jeedisay

 

Maamulka Dowladda Hoose Ee magaalada Gaalkacyo ayaa Gaadiidleyda isticmaasha wadooyinka waaweyn ee Magaalada Gaalkacyo Waxay ka codsadeen in Isticmaalka wadooyinkaas ay Joojiyaan inta howlaha Dhismaha ee lagu wado labada jid Bile Rafle iyo Astaan Hobyo Uu ka idlaanayo. Ayadoo mudooyinkaan howlo laami loogu saarayo wadooyinka gaalkacyo ay socoto ayaa hadana mashaakil waxaa lagala kulmay isticmaalka gawaarida maadaama wadooyinku ay yaryihiin. Shirkadda Wada dhismaha wadooyinkaan Ee

USHAKO ayaa dhowrjeer oo hore waxay Gaadiidleyda ka dalbatay in lala fududeeyo howsha culus ee ay wadaan laakiin waxaa jira qaar ka mid ah wadayaasha baabuurta oo aan maqlin ama arkin digniinta Shirkadda kuwaas oo dar-daraya Goobihii dhismuhu ku socday. Ugu Daanbeyntiina Duqa Magaalada Gaalkacyo Bile Diini Cali Ayaa Gaadiidleyda waxa uu ka codsaday in joojiyaan maritaanka wadooyinka dhismuhu ka socdo

isagoo intaas ku daray in ay booliska amar kusiin doonaan cidii Howshaas ka dhaga adeygta in la xiro.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook