opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gaas oo amar ku bixiyay in la xiro Saraakiil lasoo shaqeeyay Faroole

Share

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa amar buuxda waxa uu ku bixiyay in xabsiga lasoo dhigo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo lasoo shaqeeyay madaxweynihii isaga kahoreeyay ee Cabdiraxmaan Faroole.

Qoraal kasoo baxay Gaas oo saxaafadda laga qariyay ayaa waxaa lagu faray taliska Booliiska ee magaalada Garoowe in ay xabsiga u taxaabaan illaa iyo 7 ka mid ah xubnihii la shaqeeyay Faroole.

Xubnahaan waxaa ku jirta Seddax Saraakiil ciidan, 2 xildhibaano hore, 1 wasiir hore iyo 1 wasiir ku xigeen hore, kuwaasi oo uu sheegay in uu uga shakiyay maleega qorsheyaal ka dhan ah maamulkiisa.

Saraakiisha Booliiska ee amarkaan lasiiyay ayaa iyaga oo taasi ka duulaya waxa ay bilaabeen howlgalka, hase ahaatee illaa iyo iminka ma jirto cid la arkay oo lasoo qabtay.

Gaas marka laga soo tago tiirsiga abaabulka uu sheegay in maamulkiisa ka dhanka ah, ayna wadaan xubnahaan, ma jirto faah faahin kale oo intaan ka badan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook