Galmudug oo u yeeray Xubnaha dowlada Federaalka ugu jira inay Gaalkacyo ku yimaadaan …

Kadib Markii Maanta ay kula Deg deg ah ay yeesheen Golaha wasiirad iyo Baarlmaanka Galmudg aya Waxa ay uga so horjeesteen Shirka Muqdisho ka Furtay oo Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada u Dhaxeeya iyadoona Galmudug

Shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaayaasha Dawladda Galmudug, sida Golaha Xukuumadda, Golaha Baarlamaanka iyo Golaha dhaqanka ayaa Waxaa kasoo baxay go’aamada hoos ku qoran

1 Golayaashu waxay cambaareeyn dusha uga tureen shirka Kasocda Magaalada Muqdisho, Madaxwaynaha iyo Raysal wasaarahihiisa sida fooshaxun ee ay ula dhaqmeen maamul Goboleedka Galmuudg iyo shacabkeedaba, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba waxay aqoonsan yihiin Galmudug in ay kamid tahay tiirarkii soo dhisay Dawlada FS

2 Waxaan cadaynaynaa anagoo ah Galmuudg iyo shacabkeedaba in dhismihii iyo Dastuurkii ay dadka Soomaaliyeed ku heshiiyee ay Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaruhuba ay jabiyeen kuna tunteen kadib markii ay maamulada qaybo kamid ah casuumeen Galmudug na katageen.

3 Madaxwayna iyo Raysal wasaaruhu waxay Ummadda Galmudug u cadeeyeen cadawtinimada ay u qabaan Galmuudg iyo shacabkeedaba taasoo aanan marnaba ilaawidoonin taariikhdana galidoonta.

4 Waxaan ugu baaqaynaa shacabka reer Galmudug meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan qurba joogta in ay u midoobaan cadawtinimada qaawan ee ay u muujiyeen madaxda Sare ee DFS.

5 waxay golayaashu u soo jeedinayaan Xubnaha Dawlada FS uga jira Galmudug in ay mudo 3 cisho ah kuyimaadaan Galmudug si looga arinsado mustaqbalka dadka iyo dalka.

6 Shacabka reer Galmudug ee ku nool Gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa in ay qaataan doorkooda kuna banana baxaan kooxda isbahaystay ee inkiray jiritaankooda dad iyo deegaan.

7 Madaxwaynaha iyo qaybaha Golayaasha Galmudug ee shaqooyinka u jira meelaha ka baxsan Galmudug in ay si dhaqso ah usoo laabtaan si looga arinsado tilaabada ku haboo dhacdadaan.

8 Beesha caalamka, wadamada dariska ah iyo umada soomaaliyeen waxaan u sheegaynaa in aysan Galmudug aqbalidoonin waxkasta ee ka soo baxa shir kusheega Muqdisho, wixii cawaaqib xumo uu keenana ay qaadayso Madaxda Sare ee DFS.

9 Galmudug way jirtay wayna jiridoontaa in shaa allaah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook