opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Geelaha Jabuuti Oo Bilada ugu sareysa Dalka Somalia Xalay Muqdisho lagu gudoonsiiyay +Sawiro

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa biladda ugu sareysa dalka guddoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa biladda lagu guddoonsiiyey xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle iyo shacabka reer Djibouti ay wax weyn u qabteen shacabka iyo dalka Soomaaliya, isla markaana uu mudan yahay biladdaasi iyo wax ka badan, Soomaalidanna aaney weligood ilaabi doonin abaalka loo galey.

Madaxweynaha Djibouti oo isna munaasabaddaasi ka hadley ayaa sheegay in mar walba uu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yahay Soomaaliya.
Xafladda casho sharafta waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha wafdiga Djibouti, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, xubnaha baarlamaanka, taliyeyaasha ciidammada, xubno ka tirsan Akadememiyad Goboleedka Afka Soomaaliga iyo marti sharaf kale.

gele1 gele2 gele3 gele4 gele5 gele6

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook