opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gerrard oo xaley saftay kulankii 700th kuna ciyaarey Kabo lagu qorey magacyada gabdhihiisa

Share

Steven Gerrard ayaa xaley noqdey cayaaryahankii sadexaad ee Liverpool taariikhda gaara kulankii 700 ee uu saftay kulankii kooxda Bolton ee isku celiska wareega afaraad FA Cup.

kabtanka Liverpool ayaa tababare Brendan Rodgers, ugu yeeray inuu kamid noqdo safka hore kooxda Reds ee ka hortegeysay Bolton,wuxuuna sidaasi ku noqdey cayaaryahankii sadexaad ee ugu safashada badan kooxda kadib Ian Callaghan iyo Jamie Carragher oo iyagu horey u gaaray kulankii 700-aad ee naadiga ay u cayaaraan.

Gerrard, oo kamida xidigaha ay ku dhaartaan Liverpool, ayaa xaley garoonka kusoo galay Kabo cusub oo isaga si gaara loogu sameeyey,waxaana ku qornaa No 700 iyo sidoo kale Magacyada labadiisa gabdhood ee Lilly iyo Lexie.

RECORD-KA XIDIGAHA UGU SAFASHADA BADAN LIVERPOOL

1. Ian Callaghan 857

2. Jamie Carragher 737

3. Steven Gerrard 700*

4. Ray Clemence 665

= Emlyn Hughes 665

(*weli wuu cayarayaa)

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook