Gudiga Dhex dhexaadinta Dagaalka Gurceel oo Baaq diray +Cod

Iyadoo Gudi iskugu jira Odayaal iyo Siyaasiin ay Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ka wadaan Dhex dhexaadin ku aadan sidii loo joojin lahaa Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa waxaa ay Baaq u diray Dadkii Shacabka ahaa ee degmada ka barakacay.

Gudoomiyaha Gudigaasi oo ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo Warbaahinta kula hadlay Gurceel ayaa Dadka Shacabkaa ugu baaqay in Magaalada ay deg deg ugu soo laabtaan.

“Waxaan ka Codsaneynaa Dadka Shacabkaa ee ka Qaxay Gurceel in ay Magaalada ku soo laabtaan maadama hada la wado Xabad joojin iyo waan waan”ayuu yiri Caalim.

Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku sugan Gudi Dhex Dhexaadin ah oo loo xilsaaray Joojinta Colaada ka taagan degmada Gurceel.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook