Gudoomiyihii ugu Horeeyay ee Bangiga Dhexe oo Kugeeriyooday Muqdisho +Cod

Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii ugu horreeyay ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Cabdi Sheekh Aadan ayaa saakay waaberigii ku geeriyooday magaalada Muqdisho,kadib markii mudooyinkii dambe uu aad u xanuunsanaa.

Marxuumka ayaa isla maanta lagu aasay Qabuuro ku yaala Degmada kaxda,iyadoo ay Askiisa ka qeybgaleen Xildhibaano,Waxgarad iyo dad u badnaa elheladiisa.

Dr. Cabdi Sheekh Aadan waxa uu ku dhshay 1923-kii Degmada Buurhakaba balse waxa uu kusoo barbaaray waxna ku bartay Muqdisho ,kadibna 1950-kii ayaa Waxbarasho Dibadda ah loogu diray Jaamacad ku taala Dalka taliyaaniga.

1957-kii ayuu dalka kusoo laabtay kadibna 1960-kii ayaa loo magacaabay Gudoomiyihii ugu horeeyay Bangiga dhexe ee Somaaliya isagoo xilkaaasi hayay ilaa 1964-kii.

dadka yaqaanaa marxuumka oo Kuliyada Cilmiga Siyaasada ka qalanjabiyay waxay leeyihiin 1960- mar ayuu iskusoo sharaxay Xilka Madaxtinimada Somaaliya inkastoo uusan ku guuleysan.

Sanadku markuu ahaa 1968-kii ayaa Dr. Cabdi Sheekh Aadan loo magacaabay Safiirka Somaaliya u Fadhiya dalka Faransiiska.

kadib Burburkii dowladdii dhexe waxa uu noqday ganacsade aan ku lug laheyn Siyaasada Somaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook