opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Guriceel Oo Markale Foolanaysa iyo Dagaal laga cabsi qabo inuu qarxo

Share

Ciidamada Militeriga Dowlada Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan kawada duleedyada Magaalada Guriceel.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay ku hubeysan yihiin Gaadiidka Dagaal noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegayaa in ujeedka dhaqdhaqaaqooda uu yahay mid ay ku doonayaan inay kula wareegan Magaalada Guriceel iyo Deegaano ku xeendaaban.

Waxaa maalinimadii shalay fashilmay wada hadalo laga dhex waday Dowladda iyo Ahlu Sunna wal Jameeca,waxa ayna taasi sababtay in Labada Ciidan ay isku hub aruursadaan, iyadoona aad looga cabsi qabo in halkaasi uu ka qarxo dagaal Khasaaro geysta.

Dadka deegaanku ay walaac ka muujinayaan in markale lagu dul dagaalamo, maadaama ay muddo laba toddobaad uun ka nasteen dagaaladii ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqaani ayaa kusoo aadayo xili Dowladda Somaliya ay ciidan ka kaxeysay Magaalada Dhuusa Mareeb, kuwaasi oo la geeyay duleedyada Magaalada Guriceel, xilli Xoogaga Ahlu Sunna Wal Jameeca, ay iyana ciidan soo dhigeen deegaanka Xanan-buure, oo 28km u jirta Dhuusa Mareeb.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook