Haweeneey la baxdey Magaca Dunida ugu Dheer+ Sawiro

Gabadh Macalimad ah oo u dhalatay dalka Colombia ayaa muddo labo sanadood gaadhaysa, ay ku mashquuleen shaqaalaha waaxda tira koobka guud ee qaranka u qaabilsan dalkeeda, kuwaas oo saacad walba gabadhaas u dirayay codsi ay kaga dalbanayaan inay ka noqoto magaca cusub ee ay jeclaatay.
Laakiin waxa dhacdeeda layaabka leh ee sida wayn warbaahinta u soo jiidatay dhacday, markii ay labo sanadood ka hor iska badashay magaceedi hore loogu yaqaanay ee waalidkeed u bixiyay, kaas oo ahaa, Ladyzunga Cyborg, waxaanay ku badalatay magac ka kooban lix iyo labaatan ka xaraf ee xuruufta laatinigu ka kooban tahay, oo ka bilaabmaya xarafka ugu horeeya ee A kuna dhamaanaya xarafka ugu danbeeya ee Z.

Sida wargeyska Daily Mail ee Dalka Ingriiska ka soo baxa ku waramay, waxa gabadhan muddo labo sanadood ah, xafiiska diiwaan galinta Muwaadiniinta ee dalkeedu ku guda jireen, in ay ku qanciyaan, sidii ay uga noqon lahayd ama wax uga dhimi lahayd laakiin may ogolaan oo way ka diiday.
Sida wararku sheegayaan, waxa ay gabadhani ugu danbayntii ku qaadatay kaadhka aqoonsiga waddaninimo, magaceeda cusub oo marka la qoro sidan u dhigmaya, Abcdefghijklmnopqrstuvwxyz. Waxaanu noqday magaca ugu dheer ee labaatanka milyan ee reer Colombia.

Gabadhan macalimada reer Colombia oo la sheegay in lix iyo sodon jir da’deedu tahay, waxa kale oo wargeysyadu xuseen in tiraba dhawr jeer oo hore ay iska badashay magaceeda, lana baxday magacyo kale, laakiin dhamaantood ay haddana iska badashay ka hor intaan loo diiwaan galin.

Si kastaba ha ahaatee waxa iyada iyo xafiiska tiro koobka qaranka ee dalkeedu ay ku heshiiyeen in mar danbe aanay iska badalin magacan aadka u dheer ee ay la baxday, laakiin waxa layaab leh oo waydiintu ka taagan tahay, sida marka dadku u yeedhayaan ay ugu dhawaaqi karayaan magaceeda? Sababtoo ah? Qof kasta way ku adag tahay inuu qof socda ugu yeedho, Abcdefghijklmnopqrstuvwxyz.

lady1 lady2 lady3

HALKAN KA AQRI HADAAD ENGISH TAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook