opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Hibo Maxamed Oo Ku Dhawaaqday In Alleh Dartii Uga Hadhay Fanka + Cod

Share

Fanaanada caanka ah Hibo Maxamed oo magac dheer ”Hibo Nuura” ayaa waxa ay goor dhow daaha ka rogtay inay isaga baxday gabi ahaan Fanka Soomaaliya.

Hibo Nuura, ayaa sheegtay inay ku filan tahay wakhtigii dheeraa oo ay kusoo dhex jirtay Heesaha, islamarkaana hadda ay tahay kaliya qof u taagan dhageysiga.

Fanaanada ayaa waxa ay sidoo kale, sheegtay in Culima’udiinka aynaan wax dhib ah u arag Suugaanta, balse ay yihiin kuwo kasoo horjeeda Suugaanta la raaciyay muusikada.

Hibo ayaa sheegtay in muddo fogba ay ku taameysay inay isaga baxdo fanka, balse uu Alle xilligaan u suurta geliyay inay isaga baxdo, ka dib muddo 48 sano ah oo ay ku soo jirtay.

Hiba Maxamed Hudoon waxay fanka ku soo biirtay sanadka 1967-kii, mudadaasina ay ku kasbatay taageerayaal fara badan, iyadoo qaaday heeso fara badan oo ay ugu muhiimsan yihiin heesaha wadaniga, oo markaasi ay Somalidu ku dhiira-gelineysay.

Hibo Nuura waxaa lagu xusuustaa heeso fara badan oo ay ku luqeysay berri-samaadkii, iyadoo heesaheedu ay ka mid yihiin kuwo wadani ah, oo ay ku dheehan tahay guubaabo iyo dhiira-gelin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook