Hogaamiye Kooxeed Cabdi Waal oo Idaacada Kulmiye ku Eedeeyay in ay u shaqeyso Sirdoon+ Cod

Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal oo kamid ahaa Hogaamiye Kooxeedkii la dagaalanka Isbahaysiga Argagixiso la dirirka ayaa Wareysi uu siiyay Shabakadda Wararka Kulmiye waxaa uu ku Eedeeyay Kulmiye in ay u shaqeyso Sirdoonka Soomaaliya.

Cabdi Nuure Siyaad ayaa sheegay in Radio Kulmiye aysan u shaqeyn Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay u shaqeyso Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal oo ku sugan Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay Dagaalka Gobolka Galgaduud,iyadoona Wararka qaar ay sheegayeen in uu Hogaaminayay Dagaalkii Ahlusunna garab kamid ah ay ku soo qaaday Degmada Gurceel.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook