opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ilaaladii Hottelka Centeral ee Qaraxa uu ka dhacay oo la Xiray

Share

Iyadoo Maanta Qarax Dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Hottelka Centeral ee Degmada Xamar-weyne ayaa Ciidamada Amaanka waxaa ay Xir xireen Dhamaan Ilaaladii Hottelka iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Hottelka.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay Baaris ku hayaan Ilaalada Hottelka iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha oo la Xiray.

Qaraxa maanta ka dhacay Hottelka Centeral ee Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ayaa ku dhintay ilaa 26 Ruux oo iskugu jira Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan iyo Dad Shacab ah,iyadoona ay ku dhaawacmeen Dad 50 Ruux gaaraya.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Gaariga Qarxay lagu dhexdiyaariyay Gudaha Hottelka,iyadoona ay tahay Sababta Ilaalada Hottelka loo xiray Arrintaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook