opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Jaadka Laga keeni jiray Dalka Kenya oo laga joojiyay in Soomaaliya loo dhoofiyo+ Cod

Share

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in ganacsatada Soomaaliyeed ee jaadka ka keeni jiray Dalka Kenya ay go’aansadeen in ay joojiyaan in Soomaaliya loo dhoofiyo jaad.

Ganacsatada ayaa go’aansaday Laga bilaabo maanta in Soomaaliya aysan tagin diyaaradaha khaadka ee ka baxa dalka Kenya, sida ay sheegayaan guddi ganacsatada jaadka ka ganacsada ah oo ku sugan Nairobi.

Illaa dhowr iyo toban diyaarada oo khaad sada ayaa waxa ay tagaan dalka Soomaaliya maalinkastaa, laakiin sababta keentay in ganacsatada ay joojiyaan ahaa ah in qiimaha jaadka ee Kenya looga qaado oo sare u kacay iyo in canshuurta Soomaaliya la kordhiyay.

Sulees Jaamac Maxamud, oo ka mid ah ganacsatada jaadka ka dhoofiyo Dalka Kenya ayaa Idaacada BBC-da u sheegtay in ay go’aansadeen in aan jaad la geyn Soomaaliya, waxa ayna taasi ku micneesay in la kordhiyay lacagaha Jaadka Kenya uga qaadi jireen Kenya sidoo kale lagu soo rogay canshuuro xad dhaaf ah dhinaca Soomaaliya.

Magalaooyinka kala duwan ee Dalka Soomaaliya waxaa maalin kasta ka daga Diyaarado ka yimaada Dalka Kenya kuwaa oo jaad keena, waxa uuna jaadka dhibaato badan ku hayaa Bulshada Soomaaliyeed ha ahaato xag dhaqaale iyo xag caafimaad intaba.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook