Jabuuti oo xirtay Xuduuda ay la wadaagto Maamulka Somaliland +Cod

War kasoo baxay Dowlada Jabuuti ayaa lagu shaaciyay in la xiray Xuduuda ay Jbauuti la wadaagto Maamulka Somaliland, kadib hanjabaadyo kasoo yeeray Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Dowlada Jabuuti ayaa u xirtay Xuduuda Somaliland la wadaagto sababo amaan darted, waxaana jira hanjabaad kasoo yeertay Xarkaada Al-Shabaab oo ku aadaneed in ay weerari doonaan danaha reer galbeedka.

Sirdoonka Dalka Jabuuti ayaa sheegay in ay heleen falal amaan daro oo kusoo fool leh, waxaana saro loo qaaday amaanka guud ee Dalka Jabuuti, waxaana heegan la galiyay ciidamaa ilaaliya xarumaha Muhiimka ah ee dalkaasi kuyaala.

Dowlada Mareykanka ayaa horey digniino uga bixisay in dalka Jabuuti ay ka dhici karaan falal argagaxido, waxaana Sirdooka Dalka Jabuuti ay ku mashquulsanyihiin xooraansiga falalka argagaxiso ee laga yaabo in dalkaasi ay Al-Shabaab ka geestaan..

Sanadkii hore Dalka Jabuuti maqaayad caan ah oo kutaala ayna inta badan tagi jireen dadka reer galbeedka waxaa isku qarxiyay lamaane is qabay , waxaana masuuliyada weerarkaasi oo qasaare kala duwan dhaliyay sheegtay Xarakada Al-Shabaab .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook