opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

James Rodriguez Oo Laga Yaabo Inuu Garoomada Ka Maqnaado Muddo Labo Bilood Ah

Share

Xiddiga Real Madrid James Rodriguez ayaa laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado muddo labo bilood ah ka dib markii dhaawac uu ka soo gaaray cagta kulankii ay xalayto ka badiyeen Sevilla.

Ka dib markii uu dhaawacmay daqiiqadii 26aad waxaana islamarkiiba la geeyay cusbitaal si raajo looga saaro cagta dhaawaca uu soo gaaray.

Waxa uu cusbitaalka ku sugnaa muddo 45 daqiiqo ah waxaana kula wehlisay hooyadiisa iyo xubin kale oo ka tirsan qoyskiisa. Waxaana uu awoodi waayay inuu cagta ku istaago, taasoo keentay in waqtiga oo dhan gaari lagu riixo.

Raajada la saaray ayaa xaqiijineysa in jab uu ka jira cagta midig.

Waxaana jabkaas uu u baahnaan doonaa qaliin, iyadoo la xaqiijin doono maanta, iyadoo la filayo inuu garoomada ka maqnaado muddo labo bilood ah.

Dhanka kale Sergio Ramos ayaa isna dhaawac uu ka soo gaaray kulankii xalayto isagoo dalbaday in la bedelo daqiiqadii 8aad markii muruq uu booday, waxaana bedelay Nacho.

Ramos ayaa isna la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo seddex isbuuc ah, taasoo mashaqo hore leh ku noqon doonta tababare Carlo Ancelotti.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook