Jeneraal Galaal “Dagaalka Guriceel Hadii Aan Laga Joogin Waxyaabo Halis Ah Ayaa Imaan Kara”+Cod

Iyadoo weli Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud laga dareemaayo xiisado colaadeed oo u dhexeeya Ciidamada DF Somalia iyo kuwa Ahlu sunna, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Maxamed Nuur Galaal.

Galaal ayaa sheegay in Dowlada federaalka ah ee Somalia faragalin qaawan ku heyso hanaanka geedi socodka Maamulka Gobolka Galgaduud.

Wuxuu tilmaamay in Dowladu ay dagaal kala duldhacday Ciidamada Ahlu sunna, xili ay degneyd xaalada Degmada Gurceel, taasina ay tahay mid xasilinteeda looga fadhiyo DF.

“Dowlada ayaa duulaanka kusoo qaaday Gurceel, waxa ay qastay amaanka Degmada oo markii horaba ay ka jirtay nabad, Gurceel Ahlu sunna ayaa ka saartay Maleeshiyada alshabaab waa in looga mahadceliyaa mooye in lala dagaalamo ma muteysan ee DF haka fiirsato dagaalka ay ka wado Guriceel”.

Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa ”Waxan ku baaqayaa in DF ay ku dadaasho xasilinta degmada Gurceel, waxaana looga baahan yahay inay aqoonsato Maamulka Galgaduud”.

Hadalka Gen. Galaal ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Madaxweyne Xassan Sheekh uu si cad u beeniyay in Dagaalka ka soconaya Degmada Gurceel ay wax lug ah ku leedahay Ahlu sunna.

 

HALKAN KADHAGAYSO CODKA GEN. GALAAL

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook