opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Jose Mourinho: Man City Waxay Jabisay Sharciga Dhaqaale Wanaaga Uefa Ma Ahan In Loo Ogolaado…

Share

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa soo jeediyay inaan la ogolaanin Manchester City inay horyaalka qaadaan madaama ay jabiyeen sharciga dhaqaalaha wanaaga Uefa.

City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore laakiin waxaa lagu soo rogay ganaax lacageed ka dib markii ay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga Uefa.

Horyaalka Premier League ayaa sidoo kale leh sharcigiisa u gaarka ah ee dhanka maareynta lacagta.

Laakiin Mourinho ayaa yiri: “Ma qabo in koox ay hanato horyaalka marka lagu ciqaabo inay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga Uefa.”

City ayaa lagu ganaaxay 49 milyan ginni, waxaana la xadiday lacagaha ay qarashgareynayaan taasoo qeyb ka aheyd ciqaabtooda inay jabiyeen sharciga FFP.

Waxaa sidoo kale loo sheegay in mushaharkooda xilli ciyaareedkan uusan ka badnaanin wadar ahaan mushaharkii ay bixiyeen xilli ciyaareedkii hore.

Sidaasi oo ay tahay City ayaa 28 milyan ginni ku qarashgareysay bishii Janaayo Wilfried Bony, waxaana uu ahaa heshiiskii ugu qaalisanaa suuqa kala iibsiga England ee bishii hore.

Mourinho, oo kooxdiisa ay shan dhibcood hogaanka kaga heyso City ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waan ku riyaaqaa tartanka England.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook