Jose Mourinho wuxuu ahaan doonaa Macalinka Chelsea 10 Sano oo hada kadib ah

Wakiilka Macalinka kooxda Chelsea Jorge Mendes, ayaa shaaca kaqaaday in Ninkaan uu wakiilka kayahay ee Jose Mourinho uu ahaan doono Macalinka Kooxdaan kadhisan Magaalada London 10 ka Sano ee soo socota sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wakiilka Mourinho ayaa kusoo beegmaya markii Todobaadkaan ay soo bexeen Warar sheegayey in ninkaan lagu qal qaalinayo inuu noqdo Macalinka Manchester United Mustaqbalka dhow laakiin Jorge Mendes, ayaa yiri Mourinho wuxuu nioqon doonaa Sir Alex Ferguson of Chelsea Football Club.

Jose Mourinho oo hada 51 jir ah ayaa markii labaad dib ugu soo laabtay Kooxda Chelsea welina waxa uu sugayaa inuu Koobkii u horeeyey u qaado tan iyo intii uu dib ugu soo laabtay waxaana uu hogaaminayaa Horyaalka dalka England oo ay muuqato in aan isaga laga xigin Xili Cayaareedkaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook