Khaatumo Oo Qarka u Saaran in La Aqoonsado +SAWIRO

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galayr oo ay weheliyeen mas’uuliyiin reer Khaatumo ah ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabiley madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo kawada hadlay xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo samayn lahaa iskaashi iyo wada-shaqayn buuxda oo dhexmarta labada dhinac. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka xukuumada Soomaaliya Dr. Cali Axmed Jaamac (Jengeli).

Labada madaxweyne ayaa ugu danbayntii yeeshay kulan ay albaabadu u xirnaayeen, lamana oga arimaha gaarka ah ee la isla gaarey. Xiriirka labada madaxweyne ayaa la sheegaa in aanu horey u wanaagsanayn balse kulanka maanta ayaa la saadaalinayaa in uu wax weyn ka bedeli doono. Maamulka Khaatumo ayaa horey waxaa horey u aqoonsadey dowladii KMG ahayd inkastoo ay arintaasi si weyn uga soo horjeesteen maamulada Somaliland iyo Puntland.

KHAA1 KHAA2 KHAA3 KHAA4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook