Kismaayo oo lagu qabtay Nin ku labisnaa dharka dumarka iyo Jalaabiib +Sawiro

Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa gacanta ku dhigay ruux aan la aqoon cida uu fakir ahaan ka tirsan yahay, waxaana la qabtay xili uu xirnaa dharka haweenka.

Ciidamada Maamulka Jubbaland oo hawlgal ka fuliyay xaafada Dalxiiska oo ku dhow Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ayaa waxay ku soo qabteen ninkaasi, oo soo xirtay dharka dumarka iyo indho shareer.

Ciidamada, ayaa waxay ninkaasi ku wareejiyeen Taliska Saldhiga Booliska Kismaayo, si ay baaritaano ugu sameeyan, bal si wax badan looga ogaado cida uu ka tirsan yahay iyo waxa uu u joogay Magaalada Kismaayo.

Axmed C/laahi Ciise, Taliye Ku-xigeenka Nabad Suggida ee Maamulka Kismaayo oo la hadlay Saxaafadda, ayaa waxa uu sheegay inay layaab ku noqotay, kolkii ay gacanta ku soo dhigeen ninkaasi, oo xiran dharka haweenka.

Waa markii ugu horeysay oo Magaalada Kismaayo lagu qabto nin xiran dharka dumarka, sida uu xaqiijiyay Axmed C/laahi Ciise.

Ugu dambeyntii, Arrintaani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo shalay Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin ka tirsanaa mintidiinta Al Shabaab, lana soo qabtay isagoo isku soo qariyay dharka haweenka.

indha1 indha2 indha3 indha4 indha5 indha6 indha7 indha8 indha9 indha99

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook