opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Koox Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Fariisin Ciidamada Puntland Ku Lahaayeen Boosaaso+ Cod

Share

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxay sheegayaan in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Puntland ku lahaayeen magaaladaasi, halkaasi oo qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhalatay.

Weerarkaan ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lagu qaaday hoy uu halkaasi ka degan yahay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska ee gobalka Bari.

Halka weerarkaan uu ka dhacay ayaa ku dhaw Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxaana dhintay Laba qof oo mid ka mid ah ciidamada Puntland yahay, halka qofka kalena la sheegay in uu ka tirsan kooxdii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha amaanka Puntland ee magaalada Boosaaso weli wax faah faahin ah kama aanay bixin weerarkaan, hase ahaatee weerarada sidaan oo kale ah ayaa kusoo laab laabtay magaaladaasi.

Dhanka kale xaaladda guud ee magaalada Boosaaso saaka waa mid degan, waxaana socda howlgal ay wadaan ciidamada Puntland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook