Kulankii Baarlamaanka oo furmay , R/Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada oo Baarlamaanka Sooxaadiray

Wararka aan ka heleyno Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw uu si rasmi ah u furmay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana kulanka maanta ajandihiisu yahay kalsooni siinta Xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shir gudoominaya kulanka Baarlamaanka ku leeyihiin xarunta Golaha Shacabka ,waxaana kulanka fadhiya Xildhibaano kor u dhaafaya 20-oo xildhibaan.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo xubno katirsan golihiisa Wasiirada ayaa kulanka xaadir ku ah , waxaana la filayaa in goordhaw uu kulanka Khudbad uu Baarlamaanka uga codsanayo in Xukuumadiisa kalsoonida la siiyo uu fadhiga ka jeediyo R/Wasaaraha.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook