opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Kurt Zouma: “Macquul maaha in layla mid dhigo daaficii Hore ee Chelsea Marcel Desailly ” + sawiro

Share

Kurt Zouma oo 20-sano jir ah,ayaa sheegaya inuu rajeeyn doono sida ugu dhaqsida badan inuu noqdo bedelka difaacii weynaa ee xulka France legend Marcel Desailly isagoo hadlayey xili uu ku guda jirey diyaar garowga kulanka Champions League ee Paris St-Germain.

Desailly ayaa lagu xusuustaa inuu mudo lix sano ah katirsanaa Chelsea isagoo sidoo kale World Cup u qaadey xulkiisa France 1998 taasoo ahayd guushii ugu weyneyd ee uu la gaaray Les Bleus,wuxuuna Zouma sharaf usoo hoyatay ku tilmaamay in lala mid dhigo laacibkaasi weyn ee Desailly.

Zouma,ayaa bedel u ah daafaca layiraahdo Gary Cahill isagoo kasoo muuqdey kooxdiisa Chelsea kulamo dhowr ah uu maqnaa Cahill,wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in xili dhow kooxda u noqon doono Desailly-ga cusub isagoo farxad weyn kutilmaamay inuu ka dhinac ciyaaro captain John Terry.

Mourinho ayaa sheegay in Zouma iyo difaaca kooxda Real Madrid Raphael Varane ay yihiin labada difaac ee ugu da’da yar ee ugu wanaagsan caalamka isagoo hadal kaasi sheegay kahor kulankii Chelsea la cayaareysay Everton ee katirsanaa Barclays Premier League todobaadkii hore.

che1 che2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook