Laba Qarax oo Xoogan oo ka dhacay Puntland

Qaraxyadaan oo gaaraya ilaa labo qarax waxey ka dhaceen wadada dheer ee isku xirta deegaanka Galgalo iyo magaalada Boosaaso’iyadoona qaraxyadaan ay geysteen khasaara kala duwan.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadaan waxaa ku dhintay shan ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa qaabilsan miino baarista.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hal askari kaasi oo la sheegay inuu dhaawiciisa culus yahay iyadoona qaraxyadaan qeyb ka noqonayaan dhowr qarax oo Puntland lagula beegsaday duleeka Boosaaso.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland wali kama hadlin Weerarka Qaraxyadaa ee Ciidamada Puntland lala Beegsaday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook