Maalqabeenka Ugu Hantida Badnaa Dalka Talyaaniga Oo Dhintay +Video+sawiro

Michele Ferrero, oo ahaa mulkiilihii shirkada caalamiga ah ee macmacaanka Chocolate-ka Nutella ayaa ku dhintay dalkiisa isaga oo 89 jir ah, sida wararku sheegeen ninkaas oo aduun badan ka dhintay.

Ferrero oo wakhtigan ahaa ninka ugu hantida badan dalka Talyaniga waxa uu ka hodmay shirkad uu ku bilaabay dhaqaale aad u yar iyo xirfada samaynta macmacaanka oo uu ka dhaxlay aabihii, waxaanu ku guulaystay ka dib markii uu Kakowga iyo macmacaanka isku daray, kana sameeyay Chocolate ka dunida ugu caansan.

Sida majalada arrimaha ganacsiga iyo maal qabeenada ka faaloota ee Forbes sheegtay Michele Ferrero ayaa hantidiisa lagu qiyaasaa inay gaadhayso ilaa labaatan Billion oo Yuuro.

nut nut2 nut3 nutel

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook