Maamulka Puntland oo laga codsaday in ay iska siidaayaan labo arday oo muddo labo sano ahu xirnaa Maxkamad la,aan.

banaaaaaaaa

Labada arday oo markoodi hore laga qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa mudo dhan labo sano

 waxa ay ku xiranyihiin Garowe.

Wiilashaan oo lagu kala magacaabo Cawil Cali Faarax Iyo C/fitaax C/laahi Yuusuf

 ayaa ciidamada amniga puntlan waxa ay ka qabteen Gobolka mudug iyagoo sheegay 

in ay uga shaki qabaan faldambiyeedyo dhacay in ku lugleeyihiin.

Waxaana la sheegay in wiilashaan uu midkood ahaa maacalin midka kalana uu ahaa arday.

Maxkamada Darajada 1aad ee puntland ayaa mar ka dhawaajisay in ay xukun dil ah ku riday Labadaan nin.

Balse inamadaas ayaa dadkii ay ka dhasheen oo maanta dibad bax ku qabtay magaalada gaalkacyo 

waxa ay ka codsadeen Maamulka Puntland in ay iska siidaayaan ama 

maxkamad cadaalad ah ay soo istaajiyaan kuna cadeeyaan waxa ay ku haystaan.

Majiro wali wax war ah oo inta aan ognahay kasoo baxay dhanka Maamulka puntland.

banaaa2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook