Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Waxaa Goodhaw Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada aan Walaalaha nahay ee Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan labada Golle ee Dowlada, Saraakiil iyo dadweyne kale oo aad u badan ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti iyo wafdiga lasocda.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in maanta Magaalada Muqdisho uga qeyb galo munaasabad lagu xusayo Afka Hooyo oo maanta la filayo in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadan in ay ka qeyb galaan madaxda sare ee Dowlada iyo marti sharaf kale.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook