Madaxweynaha Galmudug oo kaga horyimid Madaxda Maamul Goboleedyada looga yeeray Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa si xoogan kaga horyimid shirka uu Madaxweynaha Somaliya uu Magaalada Muqdisho kula lee yahay Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Galmudug oo ka soo muuqday Warbaahinta, ayaa sheegay in shirkaasi ay u arkaan mid looga halaayo aayihii dalka, ayna ka qaybgalayaan dad aan dalka oo dhan matalin.
“Waxaan shirkaan u arkeynaa mid looga hadlaayo aayihii dalka. Maamulada ka qayb galaaya dalka oo dhan ma matalaan. Wixii ka soo baxo anaga ma aqoonsan doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Waxa kaloo uu yiri “Arrin meel ka dhac ah ku ah weeye sharuucda dalka u yaala, Dowladda iyo midda Galmudugba. Shirkaas wax hadda lagu jiray in laga wada hadlo maba ahayn.”
Wuxuu intaa raaciyay “Shirkaasi wuxuu caqabad ku noqonayaa Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, oo aan ognahay in Dowladdu ay ka gaabisay.”
Arbacadii shalay, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook