Madaxweyne Cabdi Qeybdiid Shirka Villa Somaliya Puntland Baa Lagu Raali Gelinayay +COD

General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug waxa uu saluugay shirka Madadxweynaha Somaliya Magaalada Muqdisho uu kula qaadanaayo qaar kamida Madaxwaynayaasha Maamulada dalka.

Madaxweynaha oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta, ayaa ku waramaaya in shirka ka soconaayo Muqdisho uu yahay shir looga hadlaayo mustaqbalkii dalka, oo misena aan loo dhammeen.

“Waxaan shirkaan u arkeynaa mid looga hadlaayo aayihii dalka. Maamulada ka qayb galaaya dalka oo dhan ma matalaan. Wixii ka soo baxo anaga ma aqoonsan doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
“Anagoo Xamar joognay shirkaasi na laguma soo casuumin, waa ku xad gudub Dastuur oo uu geystay Xasan Sheekh, in shirkaasi oo looga hadlaayo aayihii dalka aan nalaga soo qaybgelin, Waxaana Lagu Raali gelinayaa Maamul ay dirir naga dhaxayso, oo codsaday inaan Cabdi Qaybdiid kasoo qayb galin” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Arrin meel ka dhac ah ku ah weeye sharuucda dalka u yaala, Dowladda iyo midda Galmudugba. Shirkaas wax hadda lagu jiray in laga wada hadlo maba ahayn.” Ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale.

“Shirkaasi wuxuu caqabad ku noqonayaa Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, oo aan ognahay in Dowladdu ay ka gaabisay.” Ayuu yiri General Qeybdiid.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook