Madaxweynihii Hore Ee Gal-mudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Ku Biray Shirka Dhuusa Mareeb +COD

Waxaa maanta magaalada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee maamulka Gal-mudug Maxamed Axmed Caalim, kuwaa oo soo dhaweyn loo sameeyay.

Wafdigaan ayaa ka kooban Odayaal dhaqameed, siyaasiin iyo Aqoonyahano, waxaana markii ay halkaasi gaareen ay soo dhaweyn kala kulmeen, mas’uuliyiinta degmooyinka Dhuusa Mareeb, Guriceel, Xeraalle iyo Balanballe.

Gudoomiyaha maamulka Dhuusa Mareeb ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo soo dhaweynta xubnahaan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xubnahaan dhanka Gal-mudug ka socda, waxaana uu sharaxaad ka siiyay halka uu marayo shirka.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xubinii la socday Caalim ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsanyihiin safarka ay ku tageen degmada Dhuusa Mareeb, islamarkaana ay imaan doonaan xubno kale oo ka socda Mudug maalmaha soo aadan.

Waxay tilmaameen in shirka Dhuusa Mareeb uu yahay mid loo baahan yahay, islamarkaana kaalin ay ka qaadan doonaan dib u heshiisiinta socota.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook