Man United iyo Dani Alves oo heshiis wada galay

War sihoose looga helay Wakiilaka Xidiga daafaca dambe uga dheela kooxda Barcelona Dani Alves ayaa sheegayaa in Manchester United ay heshiis hor u dhac ah lagashay Cayaaryahanka dalka Braziil isla markaana uu England imaan doono marka uu dhamaado xiligaan hada socda.

Manchester United ayaa lasheegayaa in ay kula heshiisey Xidigaan Barcelona qandaraaska uu kula jiraa dhamaanayo Xiligaan ee Dani Alves kaas oo ogolaaday inuu Saxiixo heshiis 3 Sano ah isaga oo mushaar ahaan u qaadan doono Todobaadkii £100,000 waxaana heshiisku dhigayaa inuu yimaado United marka uu dhamaado xili cayaareedkaan.

Wargeyska Daily Express ayaa ogaadey in uu dhacay Heshiiskaan labada dhinac dhexmaray isaga oo sidoo kale sheegay inuu Warar kahelay Maamulka Man United oo dhankooda u cadeeyey inuu jiro heshiis dhex maray Xidiga dalka Baraziil ee Barcelona u dheela iyo United.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook