Man United Oo Ka Walaacsan Mustaqbalka Di Maria Ka Dib Markii Qoyskiisa…

Louis van Gaal ayaa ka baqaya in mustaqbalka dheer ee Angel di Maria ee kooxda Manchester United inay saameyn ku yeelan karto burcadii u dhacday gurgiisa.

Di Maria iyo qoyskiisa ayaa haatan ku nool hotel ka dib markii burcad ay u soo dhaceen gurigooda ku yaala Cheshira sabtidii hore iyagoo ku casheynayay isla guriga.

Inkastoo uu xiddiga reer Argentina ciyaaray kulankii FA Cup ee bartamihii isbuuca ay ka badiyeen Cambridge, Van Gaal ayaa qirtay sida arintaan ay u saameyn karto xiddiga khadka dhexe mustaqbalka.

Xaaska Di Maria ayaa diidan inay ku laabato gurigooda iyadoo gabdha ay dhaleen ee 21 bilood jirka ah uu argagax ku dhacay ka dib dhacdadaas.

Markii la weydiiyay hadidi uu walaac ka qabo in dhacdadaas ay saameyn karto qaab ciyaareedka ciyaaryahanka iyo farxadiisa Manchester, Van Gaal ayaa yiri: “Haa, haa, waad saxan tahay. Waad ku saxan tahay sida aad hadalka u dhigtay.

“Ka bani’aadam ahaan waan rumeysanahay taas. Deegaanka uu ku nool yahay waa muhim. Waxa uu ka walwalsanaa xaaskiisa iyo gabadhiisa yar, waan la hadlay isaga, waxaana uu rabay inuu ciyaaro kulankii Cambridge United waana ciyaarsiiyay.

“Waxaan hore u go’aansaday inaan ciyaarsiinin ciyaaryahan xaaladaas ku jira sababa la xiriira dareenkiisa. Laakiin isaga fursad Ayaan siiyay si fiican ayuuna u ciyaaray.”

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook