Manchester City oo Doonaysa daafaca dhexe ee kooxda Southampton Toby Alderweireld

Manchester City ayaa shaacisey iney si weyn u dooneyso laacibka difaaca dhexe uga ciyaara kooxda Southampton ee ay milkiyadiisu leedahay Atletico Madrid Toby Alderweireld kaasoo iminka garoomada dhaawac ahaan uga maqan.

25-sano jirkan oo u dhashey dalka Belgian ayaa naadigan Southampton kusoo qaadatay bilowgii xili ciyaareedkan hal sano oo deyn ah markii kooxda Atletico Madrid kula heshiisey in marka ay ka helaan qaab ciyaareedkiisa ay iibsadaan,laakiin tan iyo markii uu sida amaahda kooxdan ugu soo biirey wuxuu ciyaaray ilaa 16 kulan oo kamida kulamadii sida weyn u kacsanaa tababare Ronald Koeman laakiin wuxuu ku dhaawacmay kulankii Manchester United ee bilogii bisha January.

Southampton ayaa u furan iney xidigaan ku qaadato £6.8million oo heshiiskii hore ku heli karto Alderweireld ahaa,laakiin maadaama uu dhaawacmay waxaa la aaminsan yahay in Atletico ay ka tegi doonto £1.5m.mana jirto dhinaca kale wax lacag ah oo ay usoo bandhigeen Manchester City,laakiin waxay ku tashanayaan in marka xili ciyaareedka uu dhamaado ay kooxda rasmiga xidigu milkiyadiisa la wareegta ay kala xaajoon doonaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook